Askari katirsan ciidanka daraawiishta jubbaland ee fadhigoodu uu yahay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kadib markii uu dil bareer ah u gaystay wiil dhalinyaro shacab oo bajaajle ahaa.
Kiiska askarigaan oo ay shalay u fadhiisteen culumadda degmadda b/xaawo ayuu qirtay in uu dilka gaystay.
Shucayb cabdi dhaqane ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka uu dilay.
Marxuumka uu dilka u gaystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray c/raxmaan cali oo ahaa bajaajle waxaana dilka uu ka dhacay suuqa reer axmed halkaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u dilay marxuumka bajaajlaha ahaa.
Qisaasta ayaa ka dhacday sharma shiiq duleedka degmadda beledxaawo halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan qoyska marxuum cabiraxmaan cali.