Xaalada degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa ah mid degan kadib mudaharaadyo xooggan oo maanta ka dhacay degmadaasi kuwaas oo sababay in la xiro xarumihii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo bulshada.
Shacab caraysan oo qaarkood hubaysan ayaa wadooyinka iyo xaafadaha degmadaasi taayaro ku gubay.
Arintan ayaa imaanayso xili shalay duhurkii uu askari katirsan ciidanka jubbaland ku dilay bartamaha suuqa reer axmed wiil shacab ah oo mooto bajaajle ahaa.
Qoyska marxuumka ayaa dalbanaya in wiilkooda uu helo cadaalad loona soo gacan galiyo eedaysanaha falka lagu tuhmayo.
Askariga falkan ku eedaysan ayaa ilo aan ku kalsoonahay waxaa ay inoo xaqiijiyeen in gacanta lagu soo dhigay laguna hayo xaafada qansax oomane oo kamid ah xaafadaha degmadda b/xaawo.
Isku soo wada duub xaalada amni ee degmadda belexaawo ayaa gacanta kasii baxayso bilooyinkii ugu dambeeyay xili degmadda ay ku suganyihiin labbo maamul oo iska soo horjeeda.