Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta shir gudoomiyay shirka qamiislaha ee amniga degmadda beledxaawo.
Shirka oo ay kasoo qayb galeen xildhibaano katirsan golaha wakiilada jubbaland iyo saraakiisha amniga degmadda ayaa warbixino looga dhagaystay saraakiisha iyadoo diirada la saaray adkaynta iyo xaqiijinta amniga guud ee degmada.
Sidoo kale awaamiir ayaa lagu furay ciidamada gaarka ah ee xasilinta degmada inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha amni ee ka jira degmadda maadaama ay isbuucyadii lasoo dhaafay ka dhaceen degmadaasi falal amni daro oo kala duwan.
Ugu dambayn maamulka degmadda ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada xasilinta iyo kuwa daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xaawo iyadoo ciidamasa lagu wargaliyay in ay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imaanaya sharciga ciidanka iyo kan madaniga ah.