Author: Omar

Golaha wasiirada xukuumadda soomaaliya ayaa kulan ay maanta muqdisho ku yeesheen kaga hadlay dagaalka ka dhacay raaskambooni. Wasiir kuxigeenka warfaafinta dowladda federaalka soomaaliya,cabdiraxmaan yuusuf al-cadaala oo hadlay markii uu soo dhamaaday shirka golaha wasiirada dowladda federaalka ayaa sheegau in goluhu cambaareeyay weerarka lagu qaaday ciidamadda dowladda. “Golaha wasiirada waxay si adag ugu cambaareyanayaan weerarkaas axmed madoobe kusoo qaaday ciidanka qaranka soomaaliyeed,falkaas wuxuu ahaa mid aad laga xumaado aan lafilaynin,ciidankaas waxay halkaasi u joogeen in at kala wareegaan ATMIS goobaha ay baneeyeen”. Al cadaalda waxaa uu sheegay in golaha wasiirada ay soo gaartay warbixin ku saabsan in alshabaab kala shaqeeyeen weerarkaas…

Read More

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guulaystay inuu burburiyo shabakado maaliyadeed oo uu sheegay in maleeshiyada Alshabaab lacago loogu shubi jiray. Sidoo kale,xafiisku waxaa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doolar oo laga helay koontooyinka maaliyadeed oo ay adeegsan jiren kooxda alshabaab in si sharci ah loogu wareejiyay dowladda soomaaliyadeed,kadib markii maxkamaddu soo saartay uxkun kama dambays ah. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray,baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doolar ah ku kaydsan tahay,kuwaas oo looga shakisanyahay in alshabaab u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha. “Koontooyinkan ayaa marka baaristoodu soo dhamaato,natiijada…

Read More

Gudoomiye kuxgeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmadda b/xaawo ee Gobolka gedo cabdifitaax nuur mataan iyo hanti dhowraha degmadaas cabdixakiin cumar bare ayaa booqday isbitaalka guud ee degmadaas ee khaliil hospital. Masuuliyiinta ayaa u kuur galay xaalada bukaanada yaala isbitaalka iyagoona warbixin guud ka dhagaystay shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka.

Read More

Ururka haweenka degmadda doolow ee goboka gedo oo oo kaashanaya hay,adaha sado iyo acted ayaa degmadaas kusoo gabagabeeyay tababar kusaabsanaa xal looga gaarayay qilaaf ka dhashay hilo xoolaha biyaha ay ka cabaan ee beeralayda deegaanadda surgaduud iyo barbaraay,mashruucaan oo qayb ka ahaa nabadaynta ayaa waxaa maalgelisay hay,adda Un peace building found. Waxaa tababarka kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmadda doolow aadan bare cali,gudoomiyaha ururka haweenka ee degmadaas hibo xasan xaasgi,saraakiil ka sacotay hay,adaha sado iyo acted,gudiyada haweenka kala shaqaynaayay nabadda ee deegaanada surgaduud iyo barbaraay iyo marti Sharaf kale. Gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow iyo gudoomiyaha ururka haweenka…

Read More

Ciidamadda maamulka jubbaland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen taliyihii hogaaminayay ciidamada la geeyay raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose. War qoraal ah oo lagu baahiyay jubbaland tv ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadda daraawiishta jubbaland oo howlgal sameeyay ay soo qabteen xasan ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ciidamadda dowladda ku daabushay aagga raaskambooni ee gobolka jubadda hoose. Ciidamadda DFS ee ka tagay raaskambooni kadib dagaal culus oo halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada jubbaland ayaa qaarkood ka gudbay xadka Kenya halkaasina iska dhiibay.

Read More

Dowladda Kenya ayaa diidan inay ku wareejiso maamulka jubbaland ciidamadda dowladda federaalka ee isku dhiibay Saraakiisha dowladda iyo ciidankooda ayaa kusugan xuduuda Kenya raaskambooni,ilaa 700 ciidan ah ayaa halkaasi iska dhiibay iyaga iyo hubkooda. Waxaana socdo waan-waan u dhaxayso labada dowladood ee soomaaliua iyo Kenya oo ciidamada lagu keenayo muqdisho. Gudoomiyihii hore ee deegaanka badhaadhe muxumed fanax ayaa ciidamo uu wato iyo gaadiidkoosa waxay ka galeen xaduuda Kenya deegaanka howsingoo,warar ayaana sheegay muxumed fanax in uu dhaawac fudud ahaa. Waana shaqsigii dowladda federaalka ah ay la heshiisay si magaalada raaskambooni ciidamada dowladda u tagaan. Maamulka jubbaland ayaa gacanta ku haya…

Read More

Xaaladda deegaanka raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose oo shalay dagaalo culus ay ka dhaceen ayaa maanta degan waxaana deegaankaas si buuxda gacanta ugu haya ciidamadda daraawiishta ee maamulka jubbaland,halka ciidankii dowladda ee halkaasi joogay ay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa xadka Kenya ka gudbay. Ciidamadda maamulka jubbaland ayaa isku fidiyay guud ahaan deegaanka raaskambooni waxa ayna halkaasi ka wadaan howlgalo balaaran ay amniga ku xaqiijinayaan isla markaana ay ku baadi goobayaan xubno katirsan ciidanka dowladda in ay deegaanka ku harsanyihiin. Sida ay sheegayaan ila wareedyada qaar ciidamadda jubbaland ayaa la wareegay hub kala duwan iyo saanad ciidan oo ay…

Read More

Jubbaland ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay degaanka raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose oo mudooyinkaan ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka oo laga diray muqdisho. Ilo madax banaan ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in ciidamadda jubbaland ay si buuxda ula wareeheen degaanka raaskambooni. Arrintaan ayaa timid kadib dagaalo dhowr mar la isku laalaabtay oo ciidamda DF iyo jubbaland ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka raaskambooni kuwaas oo gaystau qasaare labadda dhinac soo kala gaaray oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamadii dowladda federaalka ee joogay raaskambooni ayaa la sheegay inay badankood ka gudbeen xadka soomaaliya la wadaagto Kenya halka qaar kalena ay…

Read More

Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal saakay duleedka deegaanka raaskambooni ee gobolka jubadda hoose ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland. Wasaaradda gaashaandigga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay uu bilowday kaddib markii ciidamo katirsan maamulka jubbaland weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa haramacad. Warka ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashaandigga si gaar ah ula socoto qorshe uu axmed madoobe xeriir kula sameeyay alshabaab taas oo la sheegay in ay keentay in ay alshabaab oggoladaan in ciidanka axmed madoobe dhex maraan si ay weerar ugu qaadaan…

Read More