Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee xukuumadda federaalka soomaaliya cabdulaahi sh ismaaciil fartaag ayaa waxaa uu dib u furay garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo kaasoo xirnaa muddo ka badan shan bilood iyo bar.
Garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa waxaa uu u xernaa wasiiru dowlaha cimiladda iyo deegaanka ee dowladda federaalka soomaaliya axmed cumar maxamed “ ilko-dheere” iyo Taliyaha hay,adda NISA ee gobolka gedo janaraal Jamaal xasan sareey kuwaasoo arrimo siyaasadeed kala dhaxeeyay maamulka degmadda doolow ee jubbaland.
Sidoo kale xeritaanka garoonka degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa waxaa horay uga biyo diiday gudoomiyaha degmadda doolow maxamed xuseen cabdi “lafeey” iyo wasiirka amniga gudaha jubbaland janaraal yuusuf xuseen cismaan “dhuumaal” taasoo keentay ugu dambayn in lagu dagaalamo degmadda doolow oo ay ku dhintaan dad isugu jira shacab iyo ciidan dowladeed oo labadda dhinac ah.
Si walba ha’ahaaree furitaanka garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa waxaa uu imaanayaa iyadda oo dowladda federaalka soomaaliya doonayso in maamul cusub oo jubbaland ah ka dhisto gobolka gedo taasoo xarun looga dhigayo xarunta gobolka gedo ee magaaladda garbohaareey oo haatan ay socoto qaban qaabada maamulkaas cusub ee laga dhisayo jubbaland.
Halkaan hoose ka aqriso warqada furitaanka Garoonka