Author: Omar

Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta shir gudoomiyay shirka khamiislaha ee amniga degmadda beledxaawo. Waxaa shirka kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmaddaas cali aadan wehliye iyo saraakiisha amniga qaybahooda kala duwan. Shirka ayaa diiradda lagu saarau dardarg galinta howlaha amniga ee degmadda b/xaawo iyo in laga fogaado wax kasta oo ka qayb qaadan kara amni darada degmadda. Ciidamadda daraawiishta jubbaland ee kusugan degmadda b/xaawo ayaa sidoo kale la faray inaysan hub ku dhex ridin shacabka isla markaana ay adkeeyaan amaanka shacabka,dhawraana nafta iyo maalka dadwaynaha.

Read More

Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayeen xubno kamid ah maamulka degmadda,saraakiisha ciidamadda jubbaland ee degmadaas,gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka gedo,xildhibaan codwayn oo katrsan golaha wakiiladda jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ugu tagay jeneraal yuusuf maxamed cabdulaahi “yuusuf kaanti” oo ay dhawaan geeriyootay xaaskiisa mama fahan cabdi rabi naxariistiisa jano haka waraabiye. Gudoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ayaa jeneraalka ooga tacsiyeeyay geerida naxdinta ah ee kutimid xaaskiisa. Hooyo fahan cabdi waxaa ay ahayd hooyo waayo arag ah,hogaamiye bulsho iyo haldoorad door muhiim ah kasoo qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo…

Read More

Waxaa maanta ciidanka daraawiishta jubbaland ee fadhigooda yahay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo isku soo dhiibay sarkaal lagu magacaabo maxamuud muxumed saadeey oo kamid ahaa ciidamadii horay ugu biiray ciidamadda dowladda federaalka soomaaliya ee kusugan degmadda b/xaawo. Waxaa soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmadda b/xaawo.

Read More

Wasaaradda amniga gudaha maamulka jubbaland ayaa maanta soo saartay wargelin ku socota shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada ilaada gaarka ah. Wasaaradda ayaa ku wargalisay shirkadaha in wax ka beddel lagu sameeyay ruqsadii hore ee ay wasaaradu bixin jirtay isla markaana ay waajib tahay in dhamaan shirkaduhu qaataan ruqsada cusub. Halkaan hoose ka Aqriso warqadda Wargelinta ah

Read More

Ciidamada itoobiya ee kusugan koonfurta soomaaliya ayaa laga yaabaa inay isaga baxaan kadib markii dhaqaalo loo waayay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa. Kulamo dhaqaalo loogu raadinayo howlgalka ayaa natiijo la,aan kusoo dhamaaday. Maraykanka oo dhaqaalaha bar bixin jiray ayaa iska diiday inuu sii wado taageerida howlgalka. Ku dhawaad 10 milyan oo dayn ah ayaa lagu leeyahay howlgalka xili dhaqaalo la,aan uu wajahayo.

Read More

Maamulka degmadda dhoobleey oo garab ka helaya howlgalka ATMIS III KDF ENGINEERS SQUADRON oo maalmihii lasoo dhaafay hagaajin iyo balaarin ka waday garoonka diyaaradaha degmadda dhoobleey ayaa maanta lasoo gabagabeeyay. Masuuliyiinta maamulka degmadda dhoobleey ee gobolka jubadda hoose ayaa shaaciyay in garoonka diyaaradaha degmadda dhoobleey hadda wixii ka dambeeya uu yahay mid furan oo diyaaradaha si caadi ah u isticmaali karaan maadaama howlo balaarin ah ay ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay.

Read More

Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka jubbaland abshir maxamed cabdi ayaa maanta magaaladda ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka xarig jarau isbitaal cusub oo dhawaan laga hirgeliyay degmadaas kadib safar shaqo maanta wasiir kuxigeenka iyo wafti uu hogaaminayay ay kugaareen degmadda ceelwaaq. Munaasabada xarig jarka isbitaalkan cusub ee ay yeelanayso degmadda ceelwaakh ee gobolka gedo ayaa waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan maamulka jubbaland,xildhibaano,madax ka socotay hay,adda Trocaire uu hogaaminayay kuxigeenka guud ee hay,adda trocaire ee soomaaliya cabditaari,isku duwaha wasaarada caafimaadka jubbaland ee gobolka gedo,maamulka degmadda ceelwaaq,saraakiisha ciidanka daraawiishta jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Read More

Ciidamo katirsan NISA isla markaana ka amar qaadanayay taliyaha nabadsugida ee degmadda b/xaawo cabdinuur buule xareed “madhacayso’’ ayaa galabta weeraray guriga wariye katirsan telefishinka jubbaland kana mid ah bahda saaxafada ee ka howlgasho degmadaas kaas oo lagu magacaabo cabdikaafi dalmar waxaana ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqaysanayay. Intaas kadib waxaa degmadda b/xaawo israsaasayn ku dhexmartay ciidanka nabadsugida iyo iyo ciidan katirsan daraawiishta jubbaland. Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay dhacdadaan waxaana caawa degan xaaladda degmadda b/xaawo.

Read More