Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka jubbaland abshir maxamed cabdi ayaa maanta magaaladda ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka xarig jarau isbitaal cusub oo dhawaan laga hirgeliyay degmadaas kadib safar shaqo maanta wasiir kuxigeenka iyo wafti uu hogaaminayay ay kugaareen degmadda ceelwaaq.
Munaasabada xarig jarka isbitaalkan cusub ee ay yeelanayso degmadda ceelwaakh ee gobolka gedo ayaa waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan maamulka jubbaland,xildhibaano,madax ka socotay hay,adda Trocaire uu hogaaminayay kuxigeenka guud ee hay,adda trocaire ee soomaaliya cabditaari,isku duwaha wasaarada caafimaadka jubbaland ee gobolka gedo,maamulka degmadda ceelwaaq,saraakiisha ciidanka daraawiishta jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.