Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayeen xubno kamid ah maamulka degmadda,saraakiisha ciidamadda jubbaland ee degmadaas,gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka gedo,xildhibaan codwayn oo katrsan golaha wakiiladda jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ugu tagay jeneraal yuusuf maxamed cabdulaahi “yuusuf kaanti” oo ay dhawaan geeriyootay xaaskiisa mama fahan cabdi rabi naxariistiisa jano haka waraabiye.
Gudoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ayaa jeneraalka ooga tacsiyeeyay geerida naxdinta ah ee kutimid xaaskiisa.
Hooyo fahan cabdi waxaa ay ahayd hooyo waayo arag ah,hogaamiye bulsho iyo haldoorad door muhiim ah kasoo qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo sidoo kale waxaa ay doorway ka qaadatay nabadayntii bulshada Gobolka Gedo iyo dib u dhiska deegaanka.