Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta shir gudoomiyay shirka khamiislaha ee amniga degmadda beledxaawo.
Waxaa shirka kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmaddaas cali aadan wehliye iyo saraakiisha amniga qaybahooda kala duwan.
Shirka ayaa diiradda lagu saarau dardarg galinta howlaha amniga ee degmadda b/xaawo iyo in laga fogaado wax kasta oo ka qayb qaadan kara amni darada degmadda.
Ciidamadda daraawiishta jubbaland ee kusugan degmadda b/xaawo ayaa sidoo kale la faray inaysan hub ku dhex ridin shacabka isla markaana ay adkeeyaan amaanka shacabka,dhawraana nafta iyo maalka dadwaynaha.