Ciidamo katirsan NISA isla markaana ka amar qaadanayay taliyaha nabadsugida ee degmadda b/xaawo cabdinuur buule xareed “madhacayso’’ ayaa galabta weeraray guriga wariye katirsan telefishinka jubbaland kana mid ah bahda saaxafada ee ka howlgasho degmadaas kaas oo lagu magacaabo cabdikaafi dalmar waxaana ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqaysanayay.
Intaas kadib waxaa degmadda b/xaawo israsaasayn ku dhexmartay ciidanka nabadsugida iyo iyo ciidan katirsan daraawiishta jubbaland.
Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay dhacdadaan waxaana caawa degan xaaladda degmadda b/xaawo.