Maamulka degmadda dhoobleey oo garab ka helaya howlgalka ATMIS III KDF ENGINEERS SQUADRON oo maalmihii lasoo dhaafay hagaajin iyo balaarin ka waday garoonka diyaaradaha degmadda dhoobleey ayaa maanta lasoo gabagabeeyay.
Masuuliyiinta maamulka degmadda dhoobleey ee gobolka jubadda hoose ayaa shaaciyay in garoonka diyaaradaha degmadda dhoobleey hadda wixii ka dambeeya uu yahay mid furan oo diyaaradaha si caadi ah u isticmaali karaan maadaama howlo balaarin ah ay ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay.