- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
Waxaa degan xaaladda degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo kadib saacado kooban oo magaaladaasi ay kajirtay xaalad kacsanaan ah. Saaka aroortii ayaa odoyaasha guurtida ee degmadaas isku dayeen in ay labadda dhinac u kala dab qaadaan hase,ahaatee waxbo kama hirgelin. Labbada dhinac ee iska soo horjeeday ayaa mid waliba waxaa uu ku suganyahay halkii xalay uu baryay ee isla gudaha degmadda. Xaaladda guud ee degmadda b/xaawo waqtigaan waa mid degan inkasta oo aan la saadaalin karin xaalka sida uu noqon doono.
AKHRISO+SAWIRO:Shir looga hadlay arrimo muhiim u ah Gobolka Gedo oo lagu qabtay Degmadda Doolow
Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta jubbaland ayaa shir amni ku yeeshay magaaladda doolow waxaana looga hadlay nabadgalyadda iyo dardargelinta howlaha amniga ee deegaanka. Waxaa si wadajir ah loogu baaqay shacabka degmadda beled-xaawo iyo saraakiisha ciidanka dowladda federaalka in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo midnimadda Gobolka. Gudoomiye lafeey ayaa cadeeyay in madaxwaynke kuxigeenka jubbaland uusan wax duulaan ah ku ahayn magaaladda b/xaawo isla markaana ka madaxbanaan yahay dagaalo qabiil ama kuwo siyaasadeed. Gudoomiyaha ayaa ugu dambayntii sheegay in ciidanka daraawiishta jubbaland ay si buuxda uga go,antahay ilaalinya nabadda iyo ka hortaga wixii…
Dowladda soomaaliya ayaa liiska argagixisada ku dartay siyaasi faysal cali waraabe oo taageero u muujiyay maleeshiyada kooxda Alshabaab oo gumaad ba,an ku haysa bulshadda soomaaliyeed. Waxaa ay dowladda soomaaliya ugu baaqday beesha caalamka iyo dowladaha deriska ah in ay ka caawiyaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa Faysal cali waraabe.
Ciidamo uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka koowaad ee jubbaland maxamuud sayid aadan oo maalmahan kusugan duleedka degmadda b/xaawo ayaa galabta casar liiqii gudaha usoo galay degmadaas,ciidamadaan ayaana bilaabay in ay isku fidiyaan gudaha magaaladda. Dhanka kale taliyaha nabadsugida iyo sirdoonka qaranka gobolka Gedo Jamaal xasan sareey ayaa isagana ciidamada nabadsugidda iyo maamulka degmadaas ee taabacsan dowladda federaalka ku aruursaday gudaha magaaladaas. Ciidanka nabadsugida oo ka amar qaadanayo Jamaal ayaa lagu arjayaa iyagoo aad u hubaysan oo magaaladda gudaheeda usocdo koox koox waxayna iskufidiyeen guud ahaan magaalada waxayna la wareegeen goobaha loogu talagalay in lagu dagaalamo sida dabaqyada iyo guryaha dhaadheer. Sida…
Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa maanta degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ku qabtay shir looga hadlay xaalada amni ee gobolka gedo qaasatan degmadda b/xaawo. Shirka oo ay kasoo qayb galeen madaxda kala duwan ee jubbaland ee kusugan degmadaas ayaa qodobka ugu muhiimsanaa ahaa in degmadda beled-xaawo ay hesho amni iyo xasilooni loon amaro wado walbo oo nabadeed oo ay ku imaan karto iyo sidii looga tanaasuli lahaa wax walba oo keeni kara isku dhac siyaasadeed loona turo dadka iyo deegaankaba.
Raysalwasaaraha soomaaliya xamse cabdi bare oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa ka dhaawajiyay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul goboleed xubin ka ah dowladda federaalka soomaaliya. Munaasabada waxaa goobjoog ahaa madaxda heerar kala duwan ah,isimada dhaqanka iyo kumanaan shacab ah. Waxaa uu tilmaamay ra,iisulwasaare xama in maamulka khaatumo uu ku yimid rabitaan shacabka deegaanka waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda soomaaliya ay tixgelin doonto xuquuqda dadka deegaanka si lamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira. “Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay maamul katirsan dowladda soomaaliya mana ahan meel lagu muransanyahay”…
AKHRISO+SAWIRO:Odoyaasha Golaha guurtida degmadda Beledxaawo oo shir la qaatay Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland
Odoyaasha golaha guurtida ee degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa la shiray madaxwayne kuxigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo wafdigii uu hogaaminayay oo kusugan deegaanka balad aamiin ee degmadda beled-xaawo. Shirka ayaa looga hadlay sidii looga wadashaqayn lahaa xasiloonida degmaddaas isla markaana looga fogaan lahaa wax walbo oo keenayo ami daro. Madaxwayne kuxigeenka ayaa guurtida u sheegay dhankiisa uusan wax dhib ah wadin uuna u yimid degmadda b/xaawo xaalada xuduuda xiran ee hakadka galisay isku socodka ganacsiga,caafimaadka iyo waxbarashada in uu kala hadlo dowladda Kenya dibna loo furo xuduuda xalna laga gaaro wixii keenay xiritaanka xuduuda. Ugu dambayn madaxwayne…
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wareejiyay dowladda federaalka soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiis lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaaladda Laascaanood sanadkii 2023 kuwaasi oo loo qaaday magaaladda Muqdisho. Talaabadaan ayaa timid kadib markii ra,iisulwasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya xamse cabdi barre uu gobolka sool ku gaaray safar taariiqi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimadda iyo nabadda umadda soomaaliyeed.
AQRISO:Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmadda B/xaawo,gudoomiyaha degmaddaas oo qabtay shir jaraa,id iyo madaxwayne kuxigeenka Jubbaland oo kusugan Degmaddaasi
Gudoomiyaha degmadda ee b/xaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa ka waramay xaalada ugu dambeeyay ee xaduuda mandera iyo degmadda b/xaawo. Gudoomiyaha ayaa waxaa uu shacabka mandera ka raaligeliyay shaqaaqooyinkii amni ee dhawaan ka dhacay labadda xaduud mandera iyo beled-xaawo. “Dadka reer mandera waxay nasiiyeen waxbarasho,ganacsiyo baan iswaydaarsanaa,tunka bay na saarteen dhawrkii sano ee dowladda soomaaliya burbursanayd” ayuu yiri gudoomiyaha degmadda b/xaawo. Gudoomiyaha ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay xaalada ka taagan xaduuda wuxuuna sheegay in dhawaan uu madaxwayne kuxigeenka jubbaland maxamuud sayid aadan uu xalin doono qilaafka xaduuda Kenya iyo soomaaliya. Isagoo ka hadlay qilaafka hogaamineed ee ka…
Ciidamadda israa,iil ayaa duqeeyay isbitaalka Al Cali ee waqooyiga magaaladda qaza iyadoo dhaqaatiirtu ay ku mashquulsanayeen daad guraynta dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah. Weerarka ayaa yimid kadib markii militariga israa,iil ay soo saareen amaro cusub oo barakicin ah oo loogu talagalat dadka degan xerada qaxootiga ee bartamaha Nuseirat iyo sidoo kale koonfurta khan yoonis. Dhanka kale wafti ka socda xamaas ayaa magaaladda qaahira u jooga wadahadalo nabadeed oo ay martigelinayaan dhexdheexadiyeyaasha masar. Wasaaradda caafimaadka ee qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,912 qof lagu dilay dagaalka israa,iil ee qaza tan iyo 7-dii bishii oktoobar ee sanadkii 2023-kii halka lagu…