Odoyaasha golaha guurtida ee degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa la shiray madaxwayne kuxigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo wafdigii uu hogaaminayay oo kusugan deegaanka balad aamiin ee degmadda beled-xaawo.
Shirka ayaa looga hadlay sidii looga wadashaqayn lahaa xasiloonida degmaddaas isla markaana looga fogaan lahaa wax walbo oo keenayo ami daro.
Madaxwayne kuxigeenka ayaa guurtida u sheegay dhankiisa uusan wax dhib ah wadin uuna u yimid degmadda b/xaawo xaalada xuduuda xiran ee hakadka galisay isku socodka ganacsiga,caafimaadka iyo waxbarashada in uu kala hadlo dowladda Kenya dibna loo furo xuduuda xalna laga gaaro wixii keenay xiritaanka xuduuda.
Ugu dambayn madaxwayne kuxigeenka ayaa ku baaqay gogol nabadeed oo ay kasoo qayb gali doonaan waxgaradka,culimo udiinka,dhalinyarada iyo haweenka sababta uu u dagay halka uu deganyahay ay tahay sidaasi.