Ciidamadda israa,iil ayaa duqeeyay isbitaalka Al Cali ee waqooyiga magaaladda qaza iyadoo dhaqaatiirtu ay ku mashquulsanayeen daad guraynta dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah.
Weerarka ayaa yimid kadib markii militariga israa,iil ay soo saareen amaro cusub oo barakicin ah oo loogu talagalat dadka degan xerada qaxootiga ee bartamaha Nuseirat iyo sidoo kale koonfurta khan yoonis.
Dhanka kale wafti ka socda xamaas ayaa magaaladda qaahira u jooga wadahadalo nabadeed oo ay martigelinayaan dhexdheexadiyeyaasha masar.
Wasaaradda caafimaadka ee qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,912 qof lagu dilay dagaalka israa,iil ee qaza tan iyo 7-dii bishii oktoobar ee sanadkii 2023-kii halka lagu dhaawacay 115,981 kale oo falastiiniyiin ah.
Xafiiska warbaahinta ee dowladda qaza ayaa tiradaan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700 isaga oo sheegay in kumanaan qof oo lagu la,yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.