Raysalwasaaraha soomaaliya xamse cabdi bare oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa ka dhaawajiyay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul goboleed xubin ka ah dowladda federaalka soomaaliya.
Munaasabada waxaa goobjoog ahaa madaxda heerar kala duwan ah,isimada dhaqanka iyo kumanaan shacab ah.
Waxaa uu tilmaamay ra,iisulwasaare xama in maamulka khaatumo uu ku yimid rabitaan shacabka deegaanka waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda soomaaliya ay tixgelin doonto xuquuqda dadka deegaanka si lamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.
“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay maamul katirsan dowladda soomaaliya mana ahan meel lagu muransanyahay” ayuu yiri ra,iisul wasaare xamsa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay ra,iisul wasaaraha in bulshadda SSC-Khaatumo ay tahay bulsho matalaysa rabitaanka dadkooda xaqna ay u leeyihiin in ay ka tashadaan masiirkooda.