Gudoomiyaha degmadda ee b/xaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa ka waramay xaalada ugu dambeeyay ee xaduuda mandera iyo degmadda b/xaawo.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu shacabka mandera ka raaligeliyay shaqaaqooyinkii amni ee dhawaan ka dhacay labadda xaduud mandera iyo beled-xaawo.
“Dadka reer mandera waxay nasiiyeen waxbarasho,ganacsiyo baan iswaydaarsanaa,tunka bay na saarteen dhawrkii sano ee dowladda soomaaliya burbursanayd” ayuu yiri gudoomiyaha degmadda b/xaawo.
Gudoomiyaha ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay xaalada ka taagan xaduuda wuxuuna sheegay in dhawaan uu madaxwayne kuxigeenka jubbaland maxamuud sayid aadan uu xalin doono qilaafka xaduuda Kenya iyo soomaaliya.
Isagoo ka hadlay qilaafka hogaamineed ee ka jiro degmadda b/xaawo waxaa uu yiri “ Nin askari NISA ah oo baardheere laga keenay baa dhibaatada xaduuda gaystay arrintaasi raaligelin baan ka bixinaynaa”.
Gudoomiyaha b/xaawo ayaa sidoo kale hadalkiisa ku adkeeyay in la xalin doona qilaafka ka taagan xaduuda mandera iyo b/xaawo.
Dhanka kale waxaa degmadda beled-xaawo kusugan oo safar shaqo ku tagay madaxwayne kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo masuuliyiin iskugu jira wasiiro,xildhibaano,gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan.
Madaxwayne kuxigeenka oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmadda b/xaawo ayaa u kuurgeli doona xaalada bini,aadanimo iyo mida amni ee degmaddaas iyadoo madaxwaynke kuxigeenka iyo masuuliyiinta kale inta ay joogaan b/xaawo ay lakulmi doonaan waxgaradka,odoyaasha dhaqanka iyo bulshadda beledxaawo ee Gobolka gedo.