Author: Omar

Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintay duqayan diyaarad oo ka dhacday gobolka kaduna ee waqooyi galbeed dalka Nigeria,halkaasi oo ay ku cibaadaysanayeen dad muslimiin ah sida laga soo xigtay waaxda gurmadka degdega ah ee dalkaasi. Madaxwayne Bola tinubu ayaa yiri dadka rayidka waxay ku dhinteen bam lagu soo qalday mana uusan bixinin xogta tiradad dadka eek u dhintay weerarkas. Duqaynta diyaarada ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday kooxo argagixiso ah iyo burcad hubaysan. Warbaahinta ka hawlgasha dalkaasi ayaa tebisay in in ka badan 600 oo qof  loola cararay isbitaaladda si halkaasi loogu dabiibo,dhacdadaan ayaa dhacday axadii.

Read More

Ra,iisul wasaaraha xukuumada jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xamse cabdi bare ayaa waxaa uu xaafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya Amb joechim waern . Waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xeriirka labada dal,iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso soomaaliya. Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya joechim ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ku biirinayo lacag sanduuqa Nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya (TPSS). Raysalwasaare xamse ayaa kulanka uga mahad celiyay dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay kusoo biirtay sanduuqa nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya( TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Sweden…

Read More

Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Antonio gutteras ayaa waxaa uu cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga qaramada midoobay. Antonio aya ku booriyay golaha amaanka ee qaramada midoobay in ay qaadaan tilaabo lagu joojinayo duulaanka Is.rael ee marina Gaza. Qoddobka 99-aad ayaa waxaa uu u ogolaanayaa xoghayaha guud in uu horkeeno Golaha amaanka arrin kasta ra,yigiisa ah,isla markaana khatar gelin karta ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah. Waxaa uu xalay xubnaha Golaha amaanka ka codsaday inay ka hortagaan musiibo bini,aadantinimo oo wayn oo ay israa,iil ka gaysato marinka gaza. Talaabadaan naadirka ahi ayaa kusoo beegantay iyadoo 15 ka xubnood ee Golaha amaanka…

Read More

Madaxwaynaha Kenya William ruto ayaa waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee soomaaliya u fadhiya Nayroobi ambassador jibriil ibraahim cabdulle oo dhawaan madaxwayne xasan sheekh u magacaabay xilkaasi. Amb jibriil oo kasoo shaqeeyay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka tan iyo xiligii burburka horena musharax madaxwayne usoo noqday ayaa dhawaan loo magacaabay safiisrka soomaaliya u fadhiya Kenya waxaana uu bedealay Amb tarsan oo hore u ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya keenya.

Read More

Wararka inaga soo gaaraya koonfurta gobolka mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada kala ah dumaaye iyo dabaglo oo katirsan gobolkaasi. Wararka ayaa intaa kudaraya in maleeshiyada ay sii daayen maxaabiis badan oo in muddo ah halkaasi ku xirnaa. Arintaan ayaa kusoo aadayso kadib markii Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo kabilaabeen halkaasi. Dhanka kale waxaa xalay deegaanka bajeela oo kuyaalo koonfurta gobolka mudug lagu soo bandhigay 6 kamid ah maxaabiistii ay kooxda sii daayeen kuwaas oo kamid ahaa 11 qof shacab ahaa oo sanadkii 2021 ay ka kaxaysteen miyiga deegaanka…

Read More

Allaha unaxariistee waxaa xalay magaalada rostenburg ee gobolka waqooyi galbeed wadanka koonfur afrika lagu dilay labbo muwaadin oo soomaali ah. Waxaa labbada marxuum lagu kala magacaabi jiray cabdiraxiim xasan cali iyo ibraahim warsame,wararka ayaa intaa kudaraya in dilka ay ka dambeeyeen dukaan ay kusugnaayeen muwaadiniintaasi kadibna ay isaga baxsadeen goobta. Wadanka koonfur afrkika ayaa inta badan waxaa lagu beegsadaa soomaalida kusugan kuwaas oo ganacsiyo kala duwan kuleh gudaha dalkaasi.

Read More