Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintay duqayan diyaarad oo ka dhacday gobolka kaduna ee waqooyi galbeed dalka Nigeria,halkaasi oo ay ku cibaadaysanayeen dad muslimiin ah sida laga soo xigtay waaxda gurmadka degdega ah ee dalkaasi.
Madaxwayne Bola tinubu ayaa yiri dadka rayidka waxay ku dhinteen bam lagu soo qalday mana uusan bixinin xogta tiradad dadka eek u dhintay weerarkas.
Duqaynta diyaarada ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday kooxo argagixiso ah iyo burcad hubaysan.
Warbaahinta ka hawlgasha dalkaasi ayaa tebisay in in ka badan 600 oo qof loola cararay isbitaaladda si halkaasi loogu dabiibo,dhacdadaan ayaa dhacday axadii.