Wararka inaga soo gaaraya koonfurta gobolka mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada kala ah dumaaye iyo dabaglo oo katirsan gobolkaasi.
Wararka ayaa intaa kudaraya in maleeshiyada ay sii daayen maxaabiis badan oo in muddo ah halkaasi ku xirnaa.
Arintaan ayaa kusoo aadayso kadib markii Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo kabilaabeen halkaasi.
Dhanka kale waxaa xalay deegaanka bajeela oo kuyaalo koonfurta gobolka mudug lagu soo bandhigay 6 kamid ah maxaabiistii ay kooxda sii daayeen kuwaas oo kamid ahaa 11 qof shacab ahaa oo sanadkii 2021 ay ka kaxaysteen miyiga deegaanka wisil ee isla koonfurta gobolka mudug.
Lixda qof ayaa waxaa kamid ah 2 wiil kuwaas oo ah saqiiro,kooxdana u xirnaa muddo sanado ah.