Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Antonio gutteras ayaa waxaa uu cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga qaramada midoobay.
Antonio aya ku booriyay golaha amaanka ee qaramada midoobay in ay qaadaan tilaabo lagu joojinayo duulaanka Is.rael ee marina Gaza.
Qoddobka 99-aad ayaa waxaa uu u ogolaanayaa xoghayaha guud in uu horkeeno Golaha amaanka arrin kasta ra,yigiisa ah,isla markaana khatar gelin karta ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Waxaa uu xalay xubnaha Golaha amaanka ka codsaday inay ka hortagaan musiibo bini,aadantinimo oo wayn oo ay israa,iil ka gaysato marinka gaza.
Talaabadaan naadirka ahi ayaa kusoo beegantay iyadoo 15 ka xubnood ee Golaha amaanka aysan weli meel marinin qaraar ku baaqaya xabad joojin dhex marta israaa,iil iyo xamaas.
Waa markiinugu horaysay uu gutteras cuskado qodobka 99-aad ee axdiga qaramada middobay taniyo markii uu xafiiska la wareegay 1-dii bishii janaayo ee sanadkii 2017.