Ra,iisul wasaaraha xukuumada jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xamse cabdi bare ayaa waxaa uu xaafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya Amb joechim waern .
Waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xeriirka labada dal,iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso soomaaliya.
Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya joechim ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ku biirinayo lacag sanduuqa Nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya (TPSS).
Raysalwasaare xamse ayaa kulanka uga mahad celiyay dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay kusoo biirtay sanduuqa nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya( TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Sweden u fidiso soomaaliya.