Allaha unaxariistee waxaa xalay magaalada rostenburg ee gobolka waqooyi galbeed wadanka koonfur afrika lagu dilay labbo muwaadin oo soomaali ah.
Waxaa labbada marxuum lagu kala magacaabi jiray cabdiraxiim xasan cali iyo ibraahim warsame,wararka ayaa intaa kudaraya in dilka ay ka dambeeyeen dukaan ay kusugnaayeen muwaadiniintaasi kadibna ay isaga baxsadeen goobta.
Wadanka koonfur afrkika ayaa inta badan waxaa lagu beegsadaa soomaalida kusugan kuwaas oo ganacsiyo kala duwan kuleh gudaha dalkaasi.