- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
Reports from galgaduud region on Thursday say that airstrikes were carried out against alshabab militants targeting a camp in Awsweyne settlement.The airstrikes were carefully planned and were executed by drones belonging to world friends that support the somali federal government. Initial reports say that the airstrikes targeted alshabab convoy.Reports reveal that the drones hit three missiles to alshabab camp. Reports further disclose that five combat vehicles were destroyed.Local residents say that the saw corpses were pulled out from the xamp wich indicates that heavy damage was inflicted on alshabab militants.Eyewitnesses in the outskirts of Awsweyne settlement said that they could…
Taliska ciidamadda boolsika qaybta gobolka jubadda hoose ayaa gacanta ku dhigay eedaysane mukhalas ahaa iyo afar dumar ah oo uu doonayay inuu ka tahriibiyo magaaladda kismaayo si ay u gaaraan dalalka yurub. Saraakiisha booliska waxaa ay sheegeen in marka uu dhamaado baaritaanka eedaysanaha uu wajihi doono cadaaladda si maxkamadda awoodda u leh go,aan uga gaarto. Ma ahan markii koowaad ee booliska jubbaland gaar ahaan taliska qabta booliska gobolka jubadda hoose ay gacanta kusoo dhigaan tahriibayaal waxaana xusid mudan in guud ahaan soomaaliya ay jubbaland kamid tahay meelaha ay kuyaryihiin isku dayada la xeriira tahriibka.
AQRISO+SAWIRO:Odoyaal ku shiray degmadda doolow oo eedayn Xooggan u jeediyay dowladda soomaaliya
Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmadda doolow ee gobolka Gedo oo maanta kulan ku yeeshay degmadaas ayaa ka digay dhibaato ay sheegeen in dowladda federaalka soomaaliya kawado gobolka gedo waxayna sidoo kale cambaareeyeen afduub iyo caburin ay sheegeen in loo gaystay golaha guurtida iyo odoyaasha dhaqanka ee degmadda garbohaareey. Ugu dambayn odoyaasha ayaa sheegay in gobalku uu ka jiro nidaam maamulka jubbaland ah isla markaana aysan ogolaanaynin in duulaan iyo burburin lagu sameeyo.
Madaxwaynaha maraykanka Donald trump ayaa hadda ka degay magaaladda riyaadh ee caasimada dalka sacuudi carabiya isaga oo halkaas ka bilaabaya socdaal istiraatiiji ah oo uu ku marayo bariga dhexe. Trump waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladda riyaadh iyadoo diyaaradihii dagaalka ee boqortooyada ay hawada kaga hortageen diyaarada madaxwaynaha maraykanka. Booqashadaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii dhaxal sugaha sucuudiga maxamed bin salmaan uu balanqaaday in boqortooyadu ay $1 trillion oo doolar ku maalgalinayso gudaha maraykanka. Maalgelintaasi ayaa qayb ka ah xeriirka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya labadda dowladood gaar ahaan dhanka ganacsiga,difaaca iyo tiknoolajiyada.
Waxaa goordhaw magaaladda baardheere ee Gobolka Gedo ku wajahan boqolaal ciidanka dowladda federaalka soomaaliya iyo saraakiil sarsare kuwaas oo ay dowladdu usoo dirtay si maamul cusub oo jubbaland ah gobolka gedo loogu dhiso.
DEG-DEG:Xaaladda magaaladda Garbohaareey oo kacsan kadib markii la weeraray Odoyaashii guurtida ee ka hadlay Warbaahinta
Waxaa xariga labadda nabadoon kadib hadana bartamaha magaaladaas lagu weeraray oo rasaas lala dhacay suldaan cali xaashi,halkaasina waxaa ka dhacay iska hor imaadna ku dhexmaray ciidamadda booliska,suldaanka iyo eheladiisa oo dhinac ah. Goobjoogeyaal kusugan degmadda garbohaareey ayaa inoo xaqiijiyay in gacan ka hadal ka dhashay weerarkaasi lagu dhaawacay taliyihii booliska degmadda ee howlgalka weerarka hogaaminayay. Xaaladda magaaladda garbohaareey waa ay kacsantahay xaaladuna waji kale ayay yeelatay, wixii kasoo kordha dhacdooyinka kala soco warkanews.com.
Ciidanka booliska degmadda garbohaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa goordhaw xabsiga dhigay odoyaashii guurtida degmadda garbohaareey kuwaas oo dhawaan warbaahinta ka hadlay iyagoo kasoo horjeestay maamulka cusub ee jubbaland ee dowladda federaalka soomaaliya qabanqaabadiisa ka wado garbohaareey. Gudoomiyaha guurtida degmadda garbohaareey nabadoon ibraahim wabax iyo nabadoon gooni amarkana waxaa bixiyay wasiirka amniga dowladda federaalka soomaaliya c/laahi ismaaciil shiiq fartaag.
Garoonka diyaaradaha degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa maanta si rasmi ah dib loogu furay kadib muddo shan bilood ah oo uu xirnaa. Furitaanka garoonka ayaa ah talaabo muhiim oo kor u qaadaysa isku socodka,ganacsiga iyo isku xirka bulshadda gobolka iyo guud ahaan dalka. Munaasabada furitaanka garoonka ayaa waxaa si gaar ah u xoojisay diyaaradii ugu horaysay oo maanta si rasmi ah uga soo degtay garoonka taas oo sida rakaab shacab ah oo ukala socday goboladda dalka. Tani waxaa ay muujinaysaa in garoonka dib ugu soo laabtay howlihiisa caadiga ahaa. Waxaa garoonka maanta kormeer rasmi ah ku tagay gudoomiye kuxigeenka…
AQRISO:Wasaarada waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare jubbaland oo faafisay xeer ka hortagaya xakamaynta qishka imtixaanaadka
Wasaarada waxbarasha hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland ayaa faafisay xeerarka kahortaga iyo xakamaynta khishka imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.
AKHRISO+SAWIRO:Madaxwayne Axmed madoobe oo daahfuray shirwaynaha koowaad ee deegaanka iyo isbadalka cimiladda
Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam “madoobe” ayaa maanta si rasmi ah aqalka martida ee magaalada kismaayo uga furay shirwaynaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda kaas oo ay soo qabanqaabisay wasaarada deegaanka iyo isbadalka cimiladda jubbaland. Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falaqayn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaaladda ilaalinta deegaanka,kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada iyo la tacaalida saamaynta sii kordhaysa ee isbadalka cimilada. Madaxwaynaha waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira jubbaland ay salka ku hayaan ficilo ay kamid yihiin: 1.deegaamaynta sharci darrada ah 2.jarista aan xadidnayn ee dhirta 3.isticmaalka aan waxtarka laahyn ee dhuxusha 4.qodista ceelal badan…