Garoonka diyaaradaha degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa maanta si rasmi ah dib loogu furay kadib muddo shan bilood ah oo uu xirnaa.
Furitaanka garoonka ayaa ah talaabo muhiim oo kor u qaadaysa isku socodka,ganacsiga iyo isku xirka bulshadda gobolka iyo guud ahaan dalka.
Munaasabada furitaanka garoonka ayaa waxaa si gaar ah u xoojisay diyaaradii ugu horaysay oo maanta si rasmi ah uga soo degtay garoonka taas oo sida rakaab shacab ah oo ukala socday goboladda dalka.
Tani waxaa ay muujinaysaa in garoonka dib ugu soo laabtay howlihiisa caadiga ahaa.
Waxaa garoonka maanta kormeer rasmi ah ku tagay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ahna kuxigeenka gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo aadan bare cali oo ay wehliyaan maareeyaha garoonka diiriye gaarane iyo saraakiisha amniga ee ka howlgala garoonka.
Masuuliyiintan ayaa mid mid u eegay goobaha muhiimka ah ee garoonka iyaga oo ku bogaadiyay maamulka garoonka iyo ciidamada amniga sida ay uga shaqeeyeen amniga iyo dib u howlgalinta xaruntan muhiimka ah.
Gudoomiye aadan bare cali ayaa warbaahinta u sheegay in furitaanka garoonka uu muhiimad wayn u leeyahay bulshadda degmadda doolow iyo guud ahaan gobolka gedo isagoo xusay in din u furista garoonka ay fududayn doonto isu socodka dadka iyo gaadiidka hawada, ganacsiga xuduudka iyo gudaha dalka,keenista adeegyada degdega ah sida caafimaadka iyo deeqaha bani,aadanimadda.
Maareeyaha garoonka diiriye gaarane ayaa dhankiisa tilmaamay in diyaar garoow xooggan lagu bixiyay sidii garoonku u noqon lahaa mid amaan ah,tayo leh isla markaana la jaanqaadi kara heerarka hawada ee dalka.
Masuuliyiinya ayaa ugu dambayn ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada deegaanka in ay ka faa,iidaystaan adeegyada garoonla ayna ilaaliyaan nabadgalyada iyo bilicda garoonka.