Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam “madoobe” ayaa maanta si rasmi ah aqalka martida ee magaalada kismaayo uga furay shirwaynaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda kaas oo ay soo qabanqaabisay wasaarada deegaanka iyo isbadalka cimiladda jubbaland.
Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falaqayn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaaladda ilaalinta deegaanka,kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada iyo la tacaalida saamaynta sii kordhaysa ee isbadalka cimilada.
Madaxwaynaha waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira jubbaland ay salka ku hayaan ficilo ay kamid yihiin:
1.deegaamaynta sharci darrada ah
2.jarista aan xadidnayn ee dhirta
3.isticmaalka aan waxtarka laahyn ee dhuxusha
4.qodista ceelal badan oo isku dhow iyo saamaynta waro biyoodyo aan qorshaysnayn
Madaxwaynaha ayaa si gaar faray wasaarada deegaanka iyo hay,adaha amniga in ay si wadajir ah uga hortagaan ficilada halista ku ah deegaanka loona diyaariyo qorshe cad oo lagu maareeyo ka faa,iidaysiga qayraadka dabiiciga ah si loo yareeyo qataraha ka dhasha isbadalka cimilada.