- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
Maamulka iyo dhamaan wariyaasha warkanews.com ayaa waxaa ay ugu hambalyaynayaan umadda islaamka gaar ahaan bulshadda soomaaliyed munaasabadda ciidul fidriga. Waxaa eebbe uga baryaynaa in dhamaan umadda soomaaliyeed uu ciidul fidrigan tan xigta uu ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo alle qalbigooda isku dumo. Waxaan ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyaynaynaa markale munaasabadda Ciidul fidriga waxaana leenahay alle ha idinka aqabalo acmaasha aad samaynaysaan ee qayrka ah.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiisha ciidamadda daraawiishta iyo booliska jubbaland ee degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan taliyaha qaybta booliska ee gobolka gedo gaashaanle cabdifitaax macalin nuur (saliim),taliyaha ciidamadda daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xaawo farxaan odowaa,taliyaha xasilinta ciidamadda daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xaawo xasan cibaad iyo saraakiisha qaybooda kala duwan. Kulanka ayaa warbixino amni looga dhagaystay taliyaha qaybta booliska g/shaanle c/fitaax macalin nuur iyo taliyaha ciidamada daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xawo farxaan odowaa. Shirka ayaa diirada lagu saarau adkaynta amniga xuduudaha iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa laamaha amniga iyo sidoo kale adkaynta amniga maalmaha…
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda maamulka jubbaland ayaa fasaxday dhammaan shaqaalaha wasaradaas iyo kuwa aan dowliga ahayd laga bilaabo maalinta sabtida 7da-june ilaa maalinta axadda 8-da juun munaasabadda ciidul adxaa awgeed.
Dowladda turkiga ayaa seddex diyaaradood oo dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ku wareejisay dowladda federaalka soomaaliya kadib wada hadal taleefan oo toddobaadkan dhexmaray madaxwayne Erdogan iyo dhigiisa madaxwayne xasan shiiq, sida ay ku warantay warbaahinta turkiga” xukuumadda Ankara waxaa ay 3 diyaarado ‘helicopters’ ah ku taageertay ciidamadda badda soomaaliyeed”. Turkiga ayaa dowladda federaalka soomaaliya u tababaray duuliyeyaal soomaali ah iyo ciidamo dheeraad ah tan oo qayb ka ah heshiiska difaac ee labadda dal. Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee afrika ee loosoo diro diyaaradaha T129 Atak ee dalka turkiga iyada oo ay dhawaan iibsadeen diyaaradahaan…
Ciidamo katirsan kuwa dowladda soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka geedwayne oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka doolow iyo luuq ee Gobolka Gedo. Degaanka geedwayne waxaa in muddo ah katalinayay maleeshiyaad katirsan kooxda alshabaab kuwaas oo bulshadda ku dhaqan deegaankaas u diiday in la gaarsiiyo adeegyo kala duwan. Maleeshiyaadkii kooxda alshabaab ayaa isaga farxiday deegaanka kadib markii ay u babac dhigi waayeen ciidanka dowaladda waxaana ciidamada halkaas ka wadaan baaritaano iyo xaqiijin amni. Dhinaca kale magaalooyinka doolow iyo beledxaawo ayaa waxaa ka dhaqaaqay ciidamo kuwaas oo xoojinayo ciidanka saaka la wareegay deegaanka geedwayne. Kooxda alshabaab ayaa inta badan deegaanka geedwayne ku…
Ilaahay ha,unaxariistee kaltuun xasan jaamac iyo farxiyo xasan jaamac oo labbo gabdhood oo walaalo ah ayuu xalay mas kucunay deegaanka shinbiraale ee Gobolka Galgaduud. Sida sawirka hoos idin kaga muuqda maskii oo ladilay labadhii gabdhoodna waa la xabaalay.
Wasiiru dowlaha wasaarada amniga jubbaland maxamed cabdi kaliil oo ka duulaya dardargelinta howlaha hortabinta u leh amniga deegaanadda jubbalad ayaa magacaabay saraakiisha hoos kuxusan ee guutadda 3aad ee ciidanka daraawiishta jubbaland kuwaas oo ka howlgala degmadda ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Halkaan hoose ka akhriso warqadda magacaabista ah
Wasiir kuxigeenka wasaardda waxbarashada maamulka jubbaland muqtaar kaamil,gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmadda doolow ee Gobolka Gedo aadan barre cali iyo iskuduwaha wasaarada waxbarashada degmadda doolow farxaan barre cabdulle ayaa si wadajir ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad oo ay qaadayso wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta jubbaland. In ka badan labbo boqol oo arday ayaa sanad dugsiyeedka 2024-2025 qaadanaysa imtixaanka shahaadiga dugisga dhexe. Daahfurka kadib ayaa wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada,gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow iyo isku duwaha waxbarashada degmadaas ayaa ardayda ku dhiirogeliyay in ay ilaaliyaan shuruucda imtixaanka inta uu socdo. Dhanka kale waxaa ay eebbe uga…
Golaha wasiirada xukuumadda jamhuuriyada federaalka soomaaliya ayaa oo goordhaw yeeshay shir degdeg ah ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaarada amniga gudaha ee agaasimaha hay,adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka in uu noqdo mahad maxamed salaad. Agaasimaha hay,adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka mahad maxamed salaad ayaa aqoon iyo qibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka isaga oo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir,xildhibaan iyo agaasimaha Hay,adda NISA. Golaha ayaa uga mahadcliyay agaasimihii hore ee hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka cabdulaahi maxamed cali (sanbolooshe) mudadii uu xilka hayay shaqadii uu qaranka usoo qabtay.
Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam “madoobe” ayaa u socdaalay dalka imaaraatka shir seddex geesood ah ayaana ka dhici doona abu dubai kaas oo u dhaxeeyo axmed madoobe,siciid deni iyo masuuliyiin ka socdo dubai. Toddobaad ka dib magaaladda Nairobi ayaa lagu soo laaban doonaa waxaana halkaasi ka dhici doono kulamo doceedyo u dhaxeeya madasha mucaaradka ah iyo labadda hogaamiye ee Puntland iyo jubbaland. Magaaladda kismaayo la qaban qaabinayaa in uu ka dhaco shirwayne kale oo ay yeelan doonaan madasha mucaaradka,jubbaland iyo Puntland. Haddii uu suurtogal noqdo shirwayne kismaayo waa nafis siyaasadee uu dareemi doono axmed madoobe. Markale dagaal siyaasadeed dhexmarayo…