Golaha wasiirada xukuumadda jamhuuriyada federaalka soomaaliya ayaa oo goordhaw yeeshay shir degdeg ah ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaarada amniga gudaha ee agaasimaha hay,adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka in uu noqdo mahad maxamed salaad.
Agaasimaha hay,adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka mahad maxamed salaad ayaa aqoon iyo qibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka isaga oo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir,xildhibaan iyo agaasimaha Hay,adda NISA.
Golaha ayaa uga mahadcliyay agaasimihii hore ee hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka cabdulaahi maxamed cali (sanbolooshe) mudadii uu xilka hayay shaqadii uu qaranka usoo qabtay.