Madaxwaynaha maraykanka Donald trump ayaa hadda ka degay magaaladda riyaadh ee caasimada dalka sacuudi carabiya isaga oo halkaas ka bilaabaya socdaal istiraatiiji ah oo uu ku marayo bariga dhexe.
Trump waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladda riyaadh iyadoo diyaaradihii dagaalka ee boqortooyada ay hawada kaga hortageen diyaarada madaxwaynaha maraykanka.
Booqashadaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii dhaxal sugaha sucuudiga maxamed bin salmaan uu balanqaaday in boqortooyadu ay $1 trillion oo doolar ku maalgalinayso gudaha maraykanka.
Maalgelintaasi ayaa qayb ka ah xeriirka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya labadda dowladood gaar ahaan dhanka ganacsiga,difaaca iyo tiknoolajiyada.