Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmadda doolow ee gobolka Gedo oo maanta kulan ku yeeshay degmadaas ayaa ka digay dhibaato ay sheegeen in dowladda federaalka soomaaliya kawado gobolka gedo waxayna sidoo kale cambaareeyeen afduub iyo caburin ay sheegeen in loo gaystay golaha guurtida iyo odoyaasha dhaqanka ee degmadda garbohaareey.
Ugu dambayn odoyaasha ayaa sheegay in gobalku uu ka jiro nidaam maamulka jubbaland ah isla markaana aysan ogolaanaynin in duulaan iyo burburin lagu sameeyo.