Taliska ciidamadda boolsika qaybta gobolka jubadda hoose ayaa gacanta ku dhigay eedaysane mukhalas ahaa iyo afar dumar ah oo uu doonayay inuu ka tahriibiyo magaaladda kismaayo si ay u gaaraan dalalka yurub.
Saraakiisha booliska waxaa ay sheegeen in marka uu dhamaado baaritaanka eedaysanaha uu wajihi doono cadaaladda si maxkamadda awoodda u leh go,aan uga gaarto.
Ma ahan markii koowaad ee booliska jubbaland gaar ahaan taliska qabta booliska gobolka jubadda hoose ay gacanta kusoo dhigaan tahriibayaal waxaana xusid mudan in guud ahaan soomaaliya ay jubbaland kamid tahay meelaha ay kuyaryihiin isku dayada la xeriira tahriibka.