Golaha wasiirada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaarada amniga gudaha ee magacaabida taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed kaas oo loo magacaabay jeneraal asad cismaan cabdulaahi.
Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska soomaaliya ee goluhu ansixiyay ayaa ah sarkaal aqoon iyo qibrad u leh arimaha ciidanka isaga oo intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2018 soo noqday taliyaha ciidanka amniga Puntland ee PSF.
Shirka golaha wasiirada oo uu gudoominayay kusimaha raysalwasaaraha ahna raysalwasaare kuxigeenka xukuumadda JFS saalax axmed jaamac ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo muhiim ahaa.