Diyaarad siday rakaab iyo gargaar taasi oo kasoo baxday magaaladda Muqdisho ayaa ku dhacday degmadda ceel-barde ee gobolka bakool.
Wararku waxaa intaasi ku darayaan in diyaarada dhabaha ay ka baxday oo ay gashay guryo ka agdhawaa garoonka diyaaradaha ceel-barde.
Warar hordhac ah oo aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in uu geeriyooday duuliyihii diyaarada isla markaan uu dhaawacmay caawiyihii duuliyaha.