Gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo mudane maxamed xuseen cabdi (lafeey) iyo xubno katirsan maamulkiisa ayaa maanta kormeeray deegaano ay dhawaan saameeyeen roobab ka da,ay gobolka iyo fatahaado kuwaas oo hoos yimaado degmadda doolow.
Gudoomiye lafeey oo kulan la qaatay waxgaradka iyo odoyaasha deegaanka ayaa ka hadlay arimaha amniga iyo ahmiyadda ay leedahay in xooga la saaro nabad gelyada si deegaanada ay u helaan adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshadda deegaanka.
Waxaa gudoomiyaha uu xusay in loo baahanyahay isku tashi bulsho,maamulkana ay xooga saari doonaan dhismaha xarumo caafimaad waxaana uu bogaadiyay adeegyada waxbarasho ee kajiro deegaanadda uu booqday.
Waxaa uu odoyaasha iyo bulshadda deegaanka uu kala hadlay sida ay muhiim u tahay tacbashadda beeraha iyo wax soo-saarka beeralayda deegaanka.
Waxaa uu sidoo kale kormeer uu ku sameeyay goobaha ay ku shaqaynayaan hay,adaha gurmadka fatahaadaha iyo sida ay bulshada ugu adeegayaan.
Ugu dambayn waxaa gudoomiyaha kormeerka ku wehlinaayay kudoomiye kuxigeenka koobaad ee degmadda doolow mudane aadan bare cali,madaxa arimaha bulshada cabdifitaax ismaaciil xuseen iyo mareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmadda diiriye gaarane xasan.