Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlada goboleedka jubbaland ayaa maanta degmadda degmada doolow ee gobolka gedo kusoo gababaysay tababar kusaabsanaa ilaalinta iyo ka jawaab celinta cudurada dilaaca iyo habka maareenta xogta caafimaadka.
Agaasimaha waaxda caafimaadka bulshada ee wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada jubbaland DR maxamed bashiir ayaa goob joog ahaa goobta lagu soo qabanayay tababarkan.
Ugu danbayn waxaa sidoo kale goob joog ahaa agaasimaha wasaarada caafimaadka jubbaland ee Gobolka Gedo axmed khalif,lataliyaha maaraynta xogta caafimaadka,saraakiisha caafimaadka heer degmo iyo heer Gobol iyo saraakiil ka socotay wasaarada caafimaadka dowladda Federaalka.