Ciidanka hay,adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka(NISA) ayaa gacanta ku dhigay 3 kamid ah shaqsiyaad dhawaan tagay deegaanada ay joogaan maleeshiyaadka alshabaab.
Shaqsiyaadkan ayaa kasoo muuqday muuqaalo ay horay u baahisay kooxda iyaga oo sheegaya in ay ku biireen kooxda waxaana markii danbe u suurta gashay in NISA gacanta kusoo dhigaan ragaan.
Warbaahinta dowladda oo baahisay muuqaal ayay kasoo muuqdeen sedexdaan nin iyaga oo sheegaya in markii hore dowladda ay magaalada muqdisho uga qaaday in ay ka qayb noqdaan ciidamada macaawiislayda.