Masuuliyiin kasocotay maxkamada darajada 1 aad ee ciidamada qalabka sida kuwaas oo isugu jiro garsoorayaal,xeer ilaaliyaal,abuukaatayaal iyo saraakiil ayaa saaka fayl guud waxay kula hadleen qaybaha kala duwan ee ciidamada sida NISA,booliska iyo daraawishta jubbaland ee ka hawlgalo degmadda Beledxaawo.
Waxaa goob joog ahaa hogaanka amniga Gobolka gedo ahna taliyaha NISA gedo Gen Jamaal xasan sareey,G/sare xuseen giif taliyaha booliska ee gobolka gedo,gudoomiyaha degmadda beledxaawo c/rashiid caroog cabdi iyo saraakiil kale waxaana saraakiisha iyo askarta ay ku dhiirageliyeen dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta danta,dalka iyo dadka deegaanka iyagoona kula dardaarmay joogtayna shaqada qaranka iyo inay ka dhawrsadaan fal kaste oo caqabad ku ah amniga iyo horumarka deegaanka.