Kusimaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa maanta shir gudoomiyay shirka bilaha ah ee maamulkaas kaasi bishiiba mar la qabto.
Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay adkaynta amniga magaalooyinka jubbaland ,howlgalada ay ciidamadu ka samaynayaan guud ahaan jubbaland iyo u diyaar garoowga wejiga 2 aad ee dagaalka dalka looga ciribtirayo maleeshiyada kooxda al shabaab.