Kusimaha ahna madaxwayne ku xigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo uu wehlinayo wasiirka caafimaadka ee jubbaland ayaa maanta u daah furay baarnaamijka marwo caafimaad in kabadan 101 dumar ah kaasi oo socon doono muddo 45 cisho ah.
Munaasabada daahfurka tababarkani oo ay soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka maamulka jubbaland ayaa lagu qabtay magaaladda Kismaayo waxaana kasoo qayb galay wasiiro katirsan maamulka jubbaland,wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka,agaasime waaxeedyada wasaaradda,isku duwaha Barnaamijka marwo caafimaad iyo sidoo kale hawl wadeenada tababarka ka faa,iidaysanayo.