Maamulka degmadda doolow ee gobolka Gedo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa ay ka Shireen dhismaha wadada luuq iyo doolow taasi oo dhawaan la bilaabayo.
Ka hor shirka maamulka ayaa la shiray masuuliyiin ka socotay kambaniga BILAAL oo dhisaya wadada waxaana ay ka wadahadleen in sida ugu dhaqsiyaha badan dhismaha laamiga ay ka bilaabayaan buundada doolow ilaa laga gaaro degmadda luuq.
Waxaa ay maamulka iyo laamaha amaanka ay la wadaageen in dhismo kaste oo soo galo cabirkii iyo jaan-goyntii ay horay u sameeyeen in la burburin doono si loo helo wado ku filan gawaarida iyo shacabka arintaasina waa la,isku afgartay.
Dhanka kale waxaa shir wada yeeshay ku simaha gudoomiyaha degmadda doolow ahna gudoomiye ku xigeenka degmadda aadan bare cali,madaxa arimaha bulshadda c/fitaax ismaaciil xuseen,madaxa dowladda hoose cabdi cali xiirad,ku xigeenkiisa maslax c/laahi yuusuf,taliyeyaasha NISA iyo booliska ee degmadda,odoyaasha,culima awdiinka,ganacsatada,dhalinyarada iyo ururka haweenka ee degmadda waxaana shirka looga hadlay sidii qayb wayn looga qaadan lahaa dhismaha wadada,waxaana la isku fahmay in cid waliba oo guri ama goob ganacsi ku leh hareeraha wadada cabirkana uu ku aado in la burburinayo.
Bulshadda ayaa si wayn usoo dhawaysay in la helo wado muhiim u ah deegaanlka taasoo fududayn doonto safarada kala duwan maadaama ay adag tahay in la maro xili roobaadka.
Mashruucaan dhismaha wadada waxaa fulinaayo Baanka aduunka iyo wasaarada howlaha guud ee dowladda federaalka soomaaliya.