Waxaa maanta degmadda luuq ee gobolka gedo gaaray gudiga gurmadka fatahaadaha ee hay,ada al raxma foundation iyo injineero heer calami ah kuwaas oo qiimayn ku sameeyay waxyeelada soo gaartay buundada iyo garoonka degmadda.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo Cismaan nuux xaaji (macalimow) iyo gudoomiyaha degmada luuq daahir muxumed nuur (caato) ayaa waftigaan waxaa ay geeyeen buundada iyo garoonka waxaana ay uga warbixiyeen waxa ay ka qabteen goobaha muhiimka u ah bulshadda.
Ugu danbayn gudoomiyaha degmadda luuq ayaa uga mahad celiyay waftigaan sida ay waqtigooda ugu soo hureen in ay imaadaan degmadda ,waxaana uu sheegay in baahi wayn loo qabay in injineero heer calami ah loo helo buundada iyo garoonka.