Ha,adda UNCHR oo kaashanaysa wasaaradda gargaarka jubbaland ayaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo gaarsiisay dooni nooca dheereeya ah.
Waxaa ay hay,addu doontaan ugu tala gashay in lagu samatabixiyo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha webiga ee go,doonka kujira.
Gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali iyo madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha degmadda maxamed khadar maxamuud sahal ayaa doonta kala wareegay saraakiisha kasocotay hay,ada UNHCR.
Hay’adda UNHCR oo kashaneysa Wasaaradda Gargaarka Jubaland ayaa degmada Doolow soo gaarsiisay dooni nooca dheereeya ah.
Hay,adaha gargaarka bini aadantinimada ayaa dedaal dheeraad ah ku bixinaya sidii loogu gurman lahaa dadka ay daadadku saameeyeen ee kunool guud ahaan deegaanadda iyo degmooyinka gobolka gedo.