Shir maanta ka dhacay degmadda doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha degmadda maxamed xuseen cabdi ( lafeey) waxaana looga hadlay amniga xaduudaha soomaaliya iyo itoobiya.
Waxaa kasoo qayb galay shirkaan saraakiisha itoobiya iyo qabiilada degan xaduudka,gudoomiyaha doolow iyo saraakiisha itoobiya ayaa odoyaasha kala hadlay sidii xal waaro looga gaari lahaa shaqaaqo ka dhacday deegaanka maadaama goobta ay tahay xaduud labadda dal muhiimad gaar ah u leh.
Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la isku fahmay in si wadajir ah looga qayb qaato cid kasto oo fal amni daro ah deegaanka ka wado iyo xaduuda taasi oo odoyaasha qayb ka noqdaan xalwaaro oo laga gaaro deegaanka.
Xaqiijinta amniga xaduuda labada dal ayay bulshadu tahay in ay kawada qayb qaataan si hawlaha gurmadka ah deegaanadaas loo gaarsiiyo kuwaasi oo waxyeelo kasoo gaartay fatahaada dhawaan webiga sameeyay.
Deegaano badan oo dhaca webiga ayaa hoos yimaado degmadda doolow ee Gobolka Gedo kuwaas oo looga faa,iideesto shaqooyinka hay,adaha gargaarka ay deegaanka ka wadaan.
Ugu danbayntii waxaa shirkani qayb ka ahaa taliyaasha NISA iyo booliska ee degmadda Doolow iyo mareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow.