Shirka qasmiislaha ee saraakiisha ururka 49 aad guutada 10 aad qaybta 43 aad ciidanka XDS ee gobolka gedo ayaa waxaa maanta shir gudoomiyay taliyaha ururka 49 aad L/x/le cali cismaan cali waxaana uu ka dhacay taliska ururka 49 aad ee degmadda baardheere ee Gobolka Gedo.
Waxaa shirka laga soo saaray go,aamo ku aadan sugida amniga degmadaas waxaana la faray saraakiisha ciidanka in la xoojiyo sugida amniga iyo derder gelinta roondooyinka ciidanka oo qayb ka ah amniga magaaladda.
Qodobada shirka looga hadlay ayaa waxaa kamid ah xakamaynta iyo wax ka qabashada xaalada amni ee soo korodhay kana soo cusboonaatay magaaladaas.
Xoojinta xeriirka maamulka,laamaha amniga iyo bulshadda degmadaasi.