Maxkamada derajada 1 aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fadhiisatay dacwad lid ku ah labbo eedaysane oo lagu kala magacaabo hodan diiriye xuseen iyo dable NISA ibraahim ismaaciil dhimbil(boorane) kuwaas oo horay dilal kala duwan uga gaystay degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo.
Eedaysanad hodan diiriye xuseen ayaa horay u dishay ninkeeda oo lagu magacaabi jiray D/le POL,aadan cali aadan kadib muran soo kala dhex galay labadooda.
Halka eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo D/le NISA ibraahim ismaaciil dhinbil uu si bareer ah dil uu ugu gaystay maxrxuum D/le POL cabdi aadan cali.
Waxaa garmaqalka labada eedaysane daah furay G/dhexe c/laahi abuukar xasan,xeer ilaaliye kuxigeenka guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida xasan siyaad maxamed(tarsan) ayaa maxkamada horkeenay cadaymo isugu jiro sawirada marxuumiinta,warqada dhimashada marxuumiinta,goobtii dilka uu ka dhacay iyo qoryo AK47 ah oo ah kuwa dilka lagu gaystay,xeer ilaaliyaha ayaana maxkamada ka codsaday shaqsiyaadkan in lagu xukumo ciqaab u qalanto oo ah dil toogasho.
Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa garsoorka maxkamada waydiistay in labadda eedaysane loo fiiriyo sifaalaha danbiga fududeeyo,waxaana gabagabadii garmaqalka soo xeray G/dhexe c/laahi abuukar xasan.