Ciidamada xooga iyo kuwa daraawiishta galmudug ayaa saaka la wareegay deegaano dhaca koonfurta gobolka mudug ,kadib markii ay halkaasi ay ka sameeyeen hawlgalo.
Waxaa kamid ah deegaanada ay la wareegeen ciidamada dhagax-dheer iyo daahir cali xayloow kuwaas oo hoostaga degmadda caad.
Saraakiisha hogaaminaysay ciidamada ayaa sheegay in uu wali socdo hawlgalka isla markaana maleeshiyada kooxda lagu baacsanayo dhulka hawdka ah.
Gobobolka mudug waxaa uu kamid yahay meelaha sida dar dar ta leh uga socdaan hawlgalada ka dhanka ah masleeshiyada kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladada iyo kuwa deegaanka.