Wasiirka amniga ee maamulka jubbaland sareeyo gaas yuusuf xuseen cismaan (dhuumaal) ayaa ku amray maamulka degmadda Doolow inay soo wareejiyaan Qalabka saadaasha Hawada ee uu isticmaalo garoonka diyaaradaha ee degmadda.
Xogta aan helayno ayaa sheegayso in amarkaan uu si guud uga soo baxay madaxwaynaha maamulka juballand Axmed maxamed islaam ( axmed madoobe) kaas oo wasiirka amarka soo siiyay in qalabkaas oo garoonka uu ku shaqaynaayo laga soo furo.
Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa iska diiday amarka uga yimid wasiir dhuumaal oo ah in qalabkaas laga soo furo garoonka kaasi oo ay isticmaalaan bulshadda deegaanka iyo kuwa wadamada deriska ah.
Arintaan hadii ay suurto gasho Garoonka diyaaradaha ee degmadda Doolow ayaa noqon doono mid uu yaraado isticmaalkiisa dhanka duulimaadyada ah maadama qalabkani uu wax badan u hayo garoonka.