Waxaa saaka marka kale uu dagaal xoogan ka qarxay degmadda luuq ee gobolka gedo kaasi oo uu dhaxeeyay maleeshiyaadka beelaha macalin wayne iyo gabaabwayn.
Dagaalka ayaa xoogiisa waxaa uu ka dhacay deegaanada kala ah abaaq-buul,iidaale iyo naf iyo maal oo dhaamaantood kawada tirsan degmadda luuq.
Maleeshiyaadka macalin wayne ayaa laga saaray degmada kadib dagaal culus oo qaatay in ka badan hal saac oo xeriir ah.
Warar kala duwan oo aan helayno ayaa waxaa ay xaqiijinayaan qasaaraha ka dhashay dagaalka dhaawaca 1 qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamayay.
Degmadda luuq ayaa maanta xaaladeeda degan tahay waxayna u muuqataa in lasoo gabagabeeyay dagaaladii goos gooska ee tan iyo shalay ka dhacayay.
Wixii war ah oo kasoo kordha kala soco www.warkanews.com