Dadka reer iiraan ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorashada degdega ah kadib markii si lami filaan ah uu kudhintay madaxwaynihii hore ee iiraan ibraahim ra,iisi shil diyaaradeed.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 8:00 subaxnimo waqtiga maxaliga ah jimcihii saaka waxayna xirmayaan 6:00 ee galabnimo iyadoo ay ku xirantahay muddo kordhin ay samayso wasaarada arimaha gudaha hadii loo baahdo.
Hoggaamiyaha kacaanka islaamiga ah ayatollah sayid ali qamanei ayaa codkiisa ka dhiibtay goob cod bixineed oo ku taal magaaladda Tehran markii ay codbixintu bilaabatay.
“Waxaan kula talinayaa dadkeena qaaliga ah in si dhab ah u qaataan codbixinta iyo ka qayb galka imtixaankan siyaasadeed ee muhiimka ah” ayuu yiri codayn kadib.
Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan afar musharax waxaana ugu cadcad labbada musharax ee kala ah ghalibaf iyo jaliili oo midkood loo soo saadaalinayo in uu noqon doono madaxwaynaha xiga ee iiraan.
Labbaduba waa muxaafid,inkastoo ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah,halka jaliili uu yahay nin adag.