War hadda inaga soo gaaray degmadda luuq ee Gobolka gedo ayaa ku waramaya in bam gacmeed lagu tuuray guri ay fadhiisan jireen ciidan katirsan dowladda oo kuyaala xaafada isbitaalka ee degmada luuq.
Waxaa jiro qasaare ka dhashay bamkan,saraakiisha amaanka ee degmadaas oo aan la xeriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ilaa 7 qof ay dhaawacyo kala duwan kasoo gareen kuwaas oo dhamaantood ah dad shacab ah isla markaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka ee degmadaas,mana jirto weerarkan waxyeelo kasoo gaartay ciidanka dowladda.