Waxaa saaka degmadda doolow ee Gobolka Gedo ka socdo shir u dhaxeeya odoyaasha degmadaas iyo saraakiil sare oo itoobiya ka socoto kuwaas oo halkaas gaaray saaka hore,is waraysi ku saabsan xaaladda deegaanka ayaa ah muhiimada shirka iyo in ay la wadaagaan bulshada sida ay u arkaan xiisada kasoo korodhay degmadda xuduuda ku taala ee b/xaawo.
Odoyaasha iyo bulshadda degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa sheegay inay la shaqaynayaan maamulka jubbaland,itoobiyana ay ka rabaan inay ka qayb qaadato adkaynta xasiloonida degmaddaas.
Saraakiisha itoobiya ayaa odoyaasha u sheegay in aysan rabin in xiisado ka dhacaan magaalooyinka xududua ku yaala oo ay kamid tahay degmadda beledxaawo isla markaana ay ka shaqayn doonaan hadii laga maarmi waayo rabitaanka bulshadda iyo dadka deegaanka,fariimo ay direen ganacsatada iyo odoyaasha magalaadaas ay arkaan kuwaas oo ay ku dalbanayaan magaaladda inaan buuq siyaasadeed laga furin.
Xaaladda degmadda doolow ayaa sakaa degan waxaana laga arkayaa adkaynta amniga inta ay joogaan wafti halkaasi gaaray saaka.